Janaraal Xuud oo sheegay in ciidankiisa heestaan Baladweyne Maamul cusubna dhisayaan

Waxaa shalay deegaanka Qoylad ee dhaca duleedka magaalada Baladweyne ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabelle iyo ciidamo kale oo daacad u ah Janaraal Xuud.

Dagaalkan ayaa labada dhinac midbo kan kale ku eedeeyay in masuul ka ahaa bilaabashadiisa, waxaana dagaalkan la sheegay in labada ciidan kasoo kala gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay in dagaalkiii shalay dhacay iyagu bilaabeen waxa uuna sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa Hirshabelle weerar kusoo qaadeen farsiinkooda.

Waxa uu sheegay Jen Xuud in ciidamo isaga ka amar qaata hada maamulayaan  Baladweyne ayna halkaasi ka dhisayaan maamul cusub oo lagu magacaabo Hiiraan, isaga oo diiday in ay wax ku darsadaan maamulka Hirshabelle uu madax u yahay Cal Guudlaawe.

“Maammul la yirahdo Hirshabelle kama jiro Hiiraan . Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay”, ayuu yiri Janaraal Xuud.

Warkan kasoo yeeray Jen Xuud ayaa imaanaya xili magaalada Baladweyne ka jiraan xiisado dagaal oo u dhaxeeya ciidamo taabacsan maamulka Hirshabelle iyo ciidamo beeleed kasoo horjeeda Hirshabelle, waxaana socda dadaalo xal loogu raadinayo colaada taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -