Shirka Gollaha Wadatashiga oo maanta furmaya iyo qodobada looga hadli doono

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka gollaha wadatashiga qaran ay yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada .

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay madaxda dowladaha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaa oo siyaasad ahaan taabacsan Farmaajo sina u diidanaa shirkan.

Sida aan wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaan jooga magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay in shirka gollaha wadatashiga maanta ku furmo caasimada.

Shirkan muhiimka ah lana sugayo natiijada kasoo baxda ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee dalka,  sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah oo walaac ku abuurtay daneeyaasha doorashada iyo beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -