Ra’isul Wasaare Abdalla Hamdok oo is casilay iyo Sababta xiligan keentay

Ra’iisul wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay ,kadib markii ay kordheen dadka dhigaya dibad baxa looga soo horjeedo dowlada ay hormuudka u yihiin milatariga Sudan.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa dalbanayay in talada dalka lagu soo celiyo dowlad dadka matasha, waxaana banaan baxyadii ugu dambeeyay ciidamada dileen qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigayay.

Abdalla Hamdok , oo telefishinka ka hadlay ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu is casilo kana tago shaqada si loo helo shaqsi bedela oo dalka Sudan ka saari kala marxaladan adag oo hada ku jiro.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaadhka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yiri Hamdok.

Milatariga Sudan ayaa bishii October xilka ka tuuray Ra’isul Wasaaraha Sudan Hamdok kadibna galiyay xabsi guri, hasa ahaatee wadahadalo dhacay kadib ayaa Ra’isul Wasaaraha Sudan shaqada vdib loogu soo celiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -