Allbanaadir.com
NEWS

Dilal saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa saaka toogasho ku dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka canshuur ururinta dowlada hoose ee loo yaqaan Munishiibiyo.

Weerarkan ayaa ka dhacay isgoyska afarta jardiino qeybta degmada Shibis sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo halkaas ku sugnaa.

Askarta la dilay oo wada socday ayaa la sheegay in iyagoo jidka lugeynaya ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen koox bastoolado ku hubeysan oo ku boobsaday rasaas, kuwaasoo markiiba ka baxsaday goobta.

Ciidamada amaanka dowlada oo markii dambe ku baxay goobta dilku ka dhacay ayaa qaaday meydka labada askari, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo Magaacabay heerarka kala duwan Garsoorka Hirshabelle (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne iyo Ra’isul Wasaare iyaga oo xil haya xabsiga la dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Hoobiyeyaal ku dhacay Xaafado ka tirsan Dhuusamareeb & dagaal weli socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---