(Daawo Sawirro) Ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku qulqulaya Tukaraq

Saacadihii la soo dhaafay Waxaa ku qulqulayey degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ciidamo fara badan oo wata gaadiid dagaal kuwaasoo ka yimid dhinaca maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadan faraha badan oo ka yimid Magaalada Qardho ay gaareen degaanka Tukaraq.

Ciidamadaan ayaa waxay ku biirayaan Ciidamada Puntland ee ku sugan Tukaraq, kuwaasoo dagaal kula jiray Mudooyinkan Ciidamada Somaliland.

Dhankooda Somaliland ayaa iyana ciidamadii ugu badnaa waxay geeyeen degaanka Tukaraq, waxaana ciidamada degaankaas loo diray ay cirka ku sii shareertay xiisadii colaadeed ee jirtay, iyadoo daqiiqad walba la filan karo dagaal.

Labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa waxay hawada isku marsiinayaan hadalo sii hurinaya colaada, Mana jiro ifafaale muujinaya xal u helida colaada oo salka ku heysa muran dhinaca dhulka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -