Hoobiyeyaal ku dhacay Xaafado ka tirsan Dhuusamareeb & dagaal weli socda

Waxaa weli socda dagaal culus oo barqanimaadii maanta ka dhex qarxay ciidamada DF iyo kuwa ahlu suna ee ku wada sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dagaalka oo markii hore ka bilowday xarunta Inji iyo nawaaxiga Madaxtooyada Galmudug ayaa la soo sheegayaa inuu haatan saameeyey inta badan magaalada Dhuusamareeb oo jahwareer weyn uu ka jiro.

Waxaa gebi ahaanba joogsaday isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada, iyadoo laga kala cararay goobaha ganacsiga iyo suuqyada magaalada.

Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa allbanaadir online u sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, waxayna wararku intaas ku darayaan in rasaas wiifto ah oo aad u xoog badan ay saameysay magaalada.

Dhowr hoobiye ayaa la xaqiijiyey iney goor dhow ku dhaceen dhabarka dambe ee Hotel Midnimo, welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo weli socda, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in meydad iyo dad dhaawacyo qaba la geeyey isbitaalka magaalada.

Shacab fara badan ayaa xalay illaa saaka kaa barakacay magaalada, halka qaar kale ay ku go’doonsan yihiin xaafadooda, markii ay awoodi waayeen iney ka baxaan guryahooda dagaalka hareerahooda ka socda awgeed, Mana jiro illaa hadda war ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay ahlu suna, Galmudug iyo DF

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -