Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo Caawa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxda Puntland iyo Jubbaland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam .

Kulankan dhax maray Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa looga  wada hadlay qabanqaabada shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa madaxdan uu la kulmay sidoo kale kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan isku daygii dhawaan la doonayay in lagula wareego xafiiskiisa.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey taageero iyo garab istaag ugu muujiyay Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo oo kasoo horjeeda shirka gollaha wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo ka hadlay muhimada uu leeyahay qorshaha NTP (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Ra’ila Odinga oo rajo beel ku dhacday

Cabdi Cade

Amarkii xalay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Somalia oo maanta la jabiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---