Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Ra’ila Odinga oo rajo beel ku dhacday

Tirinta codadka doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wali socota, waxaana loolan aad u xoogan u dhaxeeyaa labada Musharax ee kala ah William Ruto Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Ra’ila Odinga.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa sheegay in ay wali socoto tirinta codadka doorashada Madaxweynaha, waxa uuna xusay in tirinta u socoto si gaabis ah lana kulmeen carqalado badan.

Natiijada horu dhaca ah ee doorashada Madaxweynaha dalka Kenya kasoo baxeysa ayaa muujineysa in uu ku horeeyo William Ruto oo heesta codad gaaraya 6,406,388 oo cel celi ahaan gaareysa 51.18%, halka Raila Odinga heesto 6,025,940 oo u dhiganta 48.14%.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa si weyn loo saadaalinayaa in uu ku guuleesan doono musharax William Ruto oo ah Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kenya, oo galay olole xoogan isaga oon taageero ka heesan Madaxweynihii saaxiibkiis ahaa.

Ciidamo badan ayaa la geeyay xarunta dhaqanka ee ku taalla caasimadda Nairobi ,oo ah halka lagu tirinayo natiijada doorashada, waxaana la filayaa in guddiga doorashada soo gabagabeeyaan tirinta codadka.

Xubno ku dhaw dhaw Musharax Ra’ila Odinga ayaa caqabad ku noqday tirinta codadka sida ay guddiga sheegeen, xubnahan ayaana ku eedeeyay guddiga in musuqmaasuq sameeyeen ayna u garbinayaan musharax Ruto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -