Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada 11-kursi oo ka dhaceysa Baydhabo

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo Aqalka hoose ah kuwaas oo dhawaan la qaban doono doorashadooda.

Doorashada kuraastan katirsan gollaha shacabka ayaan la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxa ayna guddiga doorashada maalmaha sdoo socda bilaabayaan diiwaan gelinta musharaxiinta iyo ergada dooraneysa.

Magaalada Baydhabo ayaa horey loogu doortay dhoor Xildhibaan oo katirsan gollaha shacabka, waxaana labo kamid ah xildhibaanadaasi la doortay la diiday natiijadooda kadib markii ay hareer mareen shuruucda doorashada u dagsaneed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -