Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xoogan oo ka socda xaafado katirsan magaalada Muqdisho

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan milatariga Soomaaliga gaar ahaan kuwa u abaabulan hab beeleed ayaa ka socda xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo ay kala hogaaminayaan labo korneel oo katirsan milatariga Soomaaliya, waxaana dagaalkan salka ku hayaa dhul la sheegay in la isku heesto.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka u dhaxeeya ciidamada iska soo horjeeda isku adeegsanayaan hub nuucyo kala duwan leh, waxaana rasaasta la is dhaafsanayo gaarayaan xaafado ka fog fog halka lagu dagaalamayo.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka ka dhashay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amaanka oo ku aadan dagaalkan ka socda Kaaraan.

Degmada Kaaraan oo hada loo aqoonsaday degmada ugu amaanka xun ee kutaala Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dagaalo dhax mara saraakiil iyo ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya balse u abaabulan qaab qabiileed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

(Sawirro) Nin hubeysan oo dad badan ku laayey Suuq ku yaalla Magaalada Dallas

Caydiid Ali

ATMIS oo saldhigoodii Maxaas ku wareejisay Ciidanka Xoogga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---