Ra’isul Wasaarayaal hore iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Garawe lana kulmay Deni (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada Puntland gaaray Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar  Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale oo katirsan maamulka Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Garawe.

Masuuliyiintan gaaray Garawe ayaa wararku sheegayaan in halkaasi u tageen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xalka dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee ka dhashay xil ka qadaistii lagu sameeyay agaasimihii hore ee ciidamada PSF.

Madaxweynaha Puntland oo xalay dadweynaha la hadlay ayaa ugu baaqay Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland in laga wada qeyb qaato nabad in lagu dhammeeyo dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -