Xasan Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)

Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa inta badan looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashada iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada Galmudug.

”Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka # Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye ,Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayaa yiri Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Galmudug ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada ee la klulmay Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xilka baneeyay, waxa uuna Qoor Qoor kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhawaa Kheyre kahor inta aan la ridin.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo siyaasadeed uu taageero ugu raadinayo ololihiisa uu ku doonayo in dalka Madaxweyne uga noqdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -