Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda dil qorsheesan oo ka dhacay Muqdisho

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay xaafada Kurdamac ee degmada Dayniile ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala wasaaradda Gaashaandhigga.

Sida aan wararka ku helnay kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa weerar gaadmo ah ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Kabtan Xasan Faarax, sargaalkan ayaana la dilay xili uu gurigiisa sii galayay.

Al Shabaab ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen masuuliyadda dilka loo geestay Kabtan Xasan Faarax oo ay sheegeen in uu ahaa madaxii sahanka iyo sirdoonka wasaaradda gaashaandhigga.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in sargaalkan in mudo ah ku daba jireen ugu dambeyna xalay ku dileen weerar qorsheesan, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay si nabad galyo ku baxsadeen ragii dilka sargaalka ka dambeeyay.

Laamaha amaanka dowlada Sooaaliya ayaan wali ka hadlin dilkan Al Shabaab xalay magaalada Muqdisho ugu geesteen sargaalkan katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa uuna dilkan qeyb ka noqonayaa dilalka qorsheesan ee ka dhaca Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -