Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Dagaalka Boosaaso Eedeyna u jeedisay Diyaano

Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland qoraal goordhaw kasoo baxay looga hadlay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Puntland ee  ka amar qaata Madaxweyne Deni iyo Ciidamada PSF uu hogaamiyo Jen Diyaano.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in taliyihii hore ee ciidamada PSF Jen Maxamuud Cismaan Diyaano uu hurinayo colaada ka aloosan Boosaaso ayna ciidankiisa magaalada madaafiic ku garaacayaan.

”Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxtooyada Puntlanbd qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay si xal nabadeed looga gaaro colaaada magaalada Boosaaso in muhiim tahay in taliyihii hore ee PSF uu wareejiyo xilka iyo hantida PSF.

”Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada kasoo baxay.

Warkan uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xili uu guul dareestay dedaalo xabad joojin ah oo wadeen isimadda Puntland, waxaana jirta cabsi laga qabo in Boosaaso mar kale ka dhacaan dagaal dhiig badan ku daato.

- Advertisement -