Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hassan Rouhani oo si dadban Mareykanka ugu eedeeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Madaxweynaha dalka Iiran Hassan Rouhani ayaa markii ugu horeesay ka hadlay dilka saraakiil katirsa dowlada Sacuudiga magaalada Istanbuul ugu geesteen Wariye Jamal Khashoggi.

Hassan Rouhani ayaa eedeynta dilka Wariyaha mucaaradka ku ahaa Boqortooyada Sacuudiga ku eedeeyay dowlada Madaxweyne Donald Trump oo xiriir dhaw la leh Boqortooyada Sacuudiga.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Iiraan in Boqortooyada Sacuudiga aysan awood u yeelan lahayn dilka Wariye Jamal Khashogii , haddii aysan taageero buuxda ka heysanin Mareykanka.

”Uma maleynayo in Sacuudigu uu ku dhiirran karo dambi sidaas u weyn haddii aysan difaaceynin Mareykanka” ayuu yiri Madaxweynaha Iiran oo ka hadlay dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Dowlada Iiraan ayaa loolan adag oo dhinaca bariga dhaxe kula jirta Sacuudiga, sidoo kale Iiraan iyo Mareykanka ayaa xiriirkoodu yahay mid aad u xun kadib markii Iiraan mar kale Mareykanka kusoo rogeen cunaqabateyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Erdogan oo xiray hogaanka Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul

Caydiid Ali

Dagaal culus oo dhax maray ciidamada Liyuu Booliis iyo Dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade

Guddoonka labada Aqal oo kawada hadlay Dib u eegista lagu sameenayo Dastuurka KMG (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---