Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka saakay isku tuurtay Wabiga mara Degmada Balcad .
Maryan Xaaji Abuukar ayaa la sheegay in saakay tagtay Buundada degmada Balcad kadibna wabiga isku tuurtay, waxaana haweeneydan laga soo saaray wabiga iyada oo xaalad halis ah ku jirta markii dambana ku geeriyootay Isbitaal.
Ehelada haweeneydan Wabiga isku tuurtay ayaa sheegay in mudooyinkii dambe xanuunsaneyd madaxana looga jiray, waxa ayna tilmaameen in ay ka warheleen Maryan oo Wabiga isku tuurtay.
Haweeneydan Wabiga ku dhimatay ayaa aheyd hooyo heesata dhoor caruur ah, waxaana dhacdadan naxtinta leh si weyn looga hadal hayaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com