(Akhriso) Wasaarada amniga oo beenisay qoraal lagu faafiyey baraha bulshada

War ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa lagu beeniyey qoraal lagu baahiyey baraha bulshada oo la sheegay inuu Wasaarada ka soo baxay.

Qoraalka been abuur ah ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ka soo baxay Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow  (Ducaale) loona diray dowladda Qatar, iyadoo laga codsaday dhaqaale lagu debero mushahar la’aanta ciidamada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqaddaasi aanay waxba ka jirin oo ay tahay mid la been abhuuray.

“Dadka sameeya warqadaha been abuurka ah sharciga ayaan la tiigsan doonaa haddii aysan ka waantoobin marin habaabinta ba’an ee ay maleegayaan si khalkhal loo geliyo habsami u socodka hawlaha dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Hoos ka akhriso qoraalka been abuurka iyo War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -