Allbanaadir.com
NEWS

Garsoore Kennedy oo Shaqada ka Tagaya iyo Trump oo raadinaya qofkii uu ku bedeli lahaa

Garsoore Anthony Kennedy, oo ah xubin ka mid ah sagaalka garsoore ee Maxkamada Sare ee dalkan Mareykanka ayaa shalay shaaciyay in shaqada garsoore howlgab ka noqon doono bisha soo socota ee July.

Anthony Kennedy, oo 81-sano jir ah ayaa sheegay in uu shaqada howlgab ka noqonayo, waxa uuna xusay in Madaxweyne Donald Trump fursad u siinayo sidii uu usoo xulan lahaa garsoore bedela.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu raadinayo garsoorihii bedeli lahaa Kennedy, waxa uuna xusay in uu garsooraha uu keenayo noqon doono 40-ilaa 45-sano jir .

Garsooraha uu soo xulan doono Madaxweyne Trump ayaa noqon doona mid isaga xagiisa u jan jeera, waxa ayna arintan fursad fiican u tahay xisbiga Madaxweynaha katirsan yahay ee Jamhuuriga.

Anthony Kennedy, ayaa kamid ahaa garsoorayaasha sare ee Mareykanka 30 kii sano ee ugu dambeeyey ,waxa uuna garsoorahan go’aamada meelaha adag uu ka istaagay ka mid ahaa ilmo iska soo rididda, xuquuqda dadka isku jinsiga noqda, iyo xuquuqda codeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi Wasiir ka soo noqday Holland oo ka yaabsaday shacabka dalkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo arrimo xasaasi looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddi Xaqiiqo raadis baaris ku sameeya Dilkii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---