Liiska Odayaasha soo xulaya shan kursi oo katirsan Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay magacyada Odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya shan kursi oo katirsan golaha shacabka oo doorashadooda dhawaan ka dhaceyso Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ayey ku sheegeen in iyaga oo la tixraacayo heshiisyada doorashada ee horey loo saxiixay iyo qodobadii uu soo saaray Ra’isul Wasaare Rooble ee la xariiray daahfurnaanta doorashada shaaciyeen liiska odayaasha.

Kuraasta ay Odayaasha iyo Bulshada Rayidka u soo xuli doonaan Ergada dooraneysa ayaa waxaa ay kala yihiin:

1: Hop214 oo uu hadda ku fadhiyo Dir Cilmi Maxamuud Nuur

2: Hop 244  oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Saciid Maxamed Maxamuud

3: Hop 037 oo ay ku fadhiso Hudo Axmed Cali

4: HoP 257 oo uu ku fadhiyo Cabdalla Xaaji Cali Axmed

5: Hop260  oo ay ku fadhiso Faadumo Odawaa Raage

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -