(Sawirro) Turkiga oo qabtay Markab Ruush ah oo sida Qamadi laga soo xaday Ukraine

Danjiraha xukuumadda Ukraine ee Ankara ayaa sheegay in Turkiga uu la wareegay markab Ruushka laga leeyahay oo siday qamadi laga soo xaday Ukraine

Dacwad-oogaha Guud ee Ukraine ayaa Ankara ka codsaday inay qabato markabkan oo lagu magacaabo Zhebek Zhuly, kaasoo ku soo xirtay dekadda Turkiga.

Aqalka Kremlin ayaa sheegay in dhoofinta qamadiga aanan loo aqoonsan karin xatooyo.

Ukraine ayaa sheegtay in baaritaanno socda ay caddeyn doonaan in qamadiga laga soo xaday dalkeeda.

Dhinaca kale, Wasiirka gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dhammeystireen qabsashada gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Luhansk.

Goor sii horreysay wasaaraddiisa ayaa sheegtay in ciidamadooda ay hareereeyeen Lysychansk oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay difaacayeen ciidamada Ukraine.

MIlitariga Ukraine ma aysan xaqiijin warkan, balse Barasaabka gobolka Luhansk, Serhiy Haidai, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku sii ballaarinayaan sida uu hadalka u dhigay magaalada Lysychansk.

Arintan ayaa imaaneysa hal toddobaad kaddib markii ciidamada Ukraine ay isaga baxeen magaalada Severodonetsk.

- Advertisement -