Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal culus oo ka dhax qarxay Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee caasimada gobolka Bari ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ka qarxay dagaal culus u dhaxeeyay ciidamada Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Deni iyo Ciidamada PSF uu heesto taliyihii hore ee ciidankaasi.

Dagaalka ayaa yimid sida aan wararka ku helnay markii ciidamada Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Deni ku dhawaadeen aaga ay joogaan ciidamada PSF gaar ahaan xaafada Ridwaan oo saldhig u ah ciidamada taabacsan Janaraal Diyaano.

Rasaas culus ayaa wali laga maqlayaa aaga ay isku hor fadhiyaan labada ciidan, waxaana xaafadaha dagaalka ka dhacay si deg deg ah uga baxay shacabkii yaraa ee ku haray kuwaa oo ka cabsi qaba in korkooda dagaal culus ka dhaco.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhax qarxay labadan ciidan oo maalmihii lasoo dhaafay isku hor fadhiyay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal dhiig badan ku daato labada dhinac uu dhax maro.

Dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo xiisada ka dhalatay xil ka qaadista lagu sameeyay taliyihii ciidanka PSF ayaa guul dareesatay, waxaana odayaasha dhaqanka Puntland ku guul dareesteen in xal ka gaaraan xiisada lagana baaqsado dagaal labada dhinac dhax mara.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -