Milatariga Itoobiya oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Hogaamiyaha TPLF

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF ayaa markan galay waji cusub, waxaana xoogga Tigrey lagu qasbay in ay ka baxaan magaalooyin badan ay ka qabsadeen maamulada Canfarta iyo Amxaarada.

Hogamiyaha ciidamada TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in ciidankiisa ku amray in ay si deg deg ah uga soo baxaan magaalooyinka Canfarta iyo Amxaarada ka qabsadeen isuguna yimaadaan xadka Maamulka Tigrey.

War kasoo baxay milatariga Itoobiya ayaa lagu sheegay in xooggaga TPLF lagu qasbay in ay ka baxaan magaalooyinkii ay ka joogeen labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta , waxa ayna sheegeen in TPLF awood ciidan looga adkaaday.

Milatariga Itoobiya ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooda TPLF ilaa laga ciribtiro, waxa ayna guulo ka sheegteen dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen kooxdaasi ugana qabsadeen dhoor magaalo.

Kooxda TPLF afhayeen u hadlay ayaa qiray in ciidankooda la kulmeen awood xad dhaaf ah, waxa uuna si gaar ah uga cawdeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga ay adeegsanayaan milatariga Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -