Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagreen oo Shir deg deg ah la qaatay saraakiil Ammaan oo ay Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta guddoomiyey Shir deg deg ah oo ay isagu imaadeen saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan,kuwa Atmis iyo Saraakiil ka socday dowlada Ingiriiska.

Shirka waxaa diirada lagu saaray Xoojinta Amniga,Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka,Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta howlgalada socda.

Kulankan maanta la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed saraakiisha ammaanka ayaa diirada xaalada ammaan ee guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed ,waxana asi gaar ah kulanka looga hadlay dagaaladii ka dhacay xadka K/G iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana faray saraakiisha ammaanka in ay feejignana dheeri ah sameeyaan ciidamada kana hortagaan falalka amniga liddiga ku ah sida qaraxyada iyo weerarada kale.

Kulankan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah sida qaraxyo ismiidaamin ah, qaraxyo miino iyo weeraro xoogan oo Al Shabaab ku qaadeen deegaano kuyaalla gobolka Bakool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo Maalintii saddexaad ka socda Sudan iyo Dhimashada oo…

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo 3 cisho fasaxday shaqaalaha rayidka ah & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo Mashaariic maalgeshi ka bilaabeysa Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---