Allbanaadir.com
NEWS

Dab lagu sifeeyey qiyaamihii oo qabsaday degaan ku yaalla woqooyiga Britain (Sawirro+Video)

Waqooyiga England ayaa waxaa lala tacaalaya dab weyn oo ka kacay degaan caws badan oo u dhow magaalada Manchester.

Ilaa 150 qof ayaa laga daadgureeyey guryahooda, dad goobjoog ahna waxay leeyihiin muuqaalku wuxuu u egyahay sidii qiyaamihii oo kacay.

Ololka ayaa ilaa 6 mitir cirka isku shareeray, waxaana sida roobka u soo daadanaya dambas, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta dabkaas kicisay.

Saraakiisha dabdamiska waxay sheegayaan in cimilada oo kulul, dabaylo halkaa ka jira, waddo la’aan iyo degaanka oo fog ay adkeeyeen in dab damiyeyaashu ay qalabkooda iyo biyaba gaarsiiyaan halkaas.

War hadda soo baxayna wuxuu sheegayaa in milateriga loo yeeray inay gacan ka gaystaan sidii dabkaas loo bakhtiin lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taliye Xijaar oo la kulmay James Swan & Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo joojisay ciqaabta Dilka iyo Soomaaliya oo kamid noqotay…

Cabdi Cade

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo su’aalo la weydiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---