Ciidamada dowlada oo toogtay Nin dil ka geystay duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya halka loo yaqaano Tabeellaha Shiikh Ibraahim oo ka tirsan degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, Ciidamada ammaanka ayaa gelinkii dambe ee maanta degaankaasi ku toogtay nin Toorey watay oo qof shacab ah dilay.

Ninka Tooreyda sitay oo dadka degaanka  sheegeen in Madaxda looga jiray ayaa markii hore qof shacab ah ku dilay Tabeellaha Sheekh Ibraahim, intaasi kadib ayaa waxaa ku baxay ciidamada ammaanka oo markii ay halkaasi tageen ninkii ku hubeysnaa Tooreyda ku amray in Tooreyda uu soo wareejiyo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkas uu ka dhega adeygay amarkaas, wuxuuna dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ammaanka, taasoo ugu dambeyn qasabtay in la toogto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -