Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Djibouti ayaa la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle .
Rooble iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan sida amniga ,ganacsiga iyo kuwa kale.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya iyo sida mar walbo u garab taagan yahay.
Dowlada Jabuuti oo kamid ah dowladaha sida weyn dadaalka ugu bixiyay nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya ayaan xiriir wanaagsan xiligan la laheyn dowlada uu hogaamiyo Farmaajo oo xiriir la sameestay dowladaha kale ee Itoobiya iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo ka hadlay Ujeedka uu ugu soo laabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu afduubtay Johannesburg iyo Booliiska oo Baadigoob wada

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo qabtay askari sabab yaab leh u dilay qof shacab ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---