Madaxweyne Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Xasan Maxamuud Lafta gareen, oo booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland.

Masuuliyiin kala duwan oo katirsan labada gole ee Dowlada Jubaland sarakiisha Ciidamada iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhawaynta wafdigan.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin booqashada ay wafdigan ree Koonfur galbeed ku yimaadeen Jubaland, isagoo xusay in gurigoodii labaad ay tahay oo aanay marti ku ahayn isla markana Koonfur galbeed iyo Jubaland ay daris yihiin waxyaabo badana ay ka dhexeeyaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta balaaran ee loo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in labada Shacab iyo Dowladoodba uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo walaalnimo iyo wax wada qabsi ah.

- Advertisement -