Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo arrin Muhiim ah kaga hadlay kulan ka dhacay Villa Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Ururada bulshada Rayidka ah ayaa ugu baaqay in ay u istaagaan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka ay saameyn ba’an ku yeelatay abaartu, taasoo waajib ka yeelayso in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu ka qeyb qaato gurmadka degdegga ah ee loo fidanayo walaalaha dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Bulshada Rayidka ah ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta dadkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilligan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lahaa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaaraha ka jira dalkeenna.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga Gurmadka abaaraha ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu, ayaa laga dhegaystay warbixinno muujinaya heerarka kala sareynta abaartu ay ku reebtay gobollada ay ku dhufatay.

 

Related posts

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay amaanka garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Bujumbura (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Khabiir ku ahaa Qaraxyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---