Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Daadajinta Amniga Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay ( Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoominayay Shirka Amniga caasimada iyo sidii Kor loogu qadilahaa bilicda caasimada,

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Hay,ada NISA C/laahi Maxamed Cali {Sanbaloolshe} Taliyaasha Boliiska iyo Nabad sugida Ee Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Dagmooyinka Gobalka Banaadir,Saraakiisha fadhiyada madaxa Banaan Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad sugida iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobolka,

U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga caasimada iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa islaxisaabtan dhab ah oo laxiriira amniga Guud ee Caasimada iyo nawaaxigeeda,

Shirkan ayaa daba Socda shir dhawaan Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu shir amniga guud ee dalka Gaar ahaan Caasimada uu laqaatay Madaxweynaha Soomaaliya xasan shiikh Maxamuud Gudoomiyaha aGobolka banaadir Gudoomiyaasha Dagmooyinka iyo saraakiisha Ciidamada amniga casimada,

- Advertisement -