Macruuf Xaaji, Agaasimaha xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha oo ka warbixiyay kormeer uu Ergeygu ku tagay Buulo Burte.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Agaasime Macruuf Xaaji ayaa sheegay in U-jeedka socdaalka Ergeyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR uu ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, Egayguna uu kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada.

Ergayga Baaraha A dirahman Abdi Shakuur ayaa sidaan oo kale, dhamaadkii bishii hore socdaal indha-indheyn ku tagay xerooyin barakac oo ku yaalla magaalada Baydhabo, halkaasoo si daran looga baahan yahay nafaqeynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo dadka da’da ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -