Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Digniino laga bixiyey nooca cusub ee COVID-19 iyo dalal xanibaado soo rogay

OMICRON oo ah Nooca cusub ee xanuunka ee COVID-19 ayaa si xowli ah ugu faafaya qaaradda Yurub, maalmo kadib markii saynisyahanno u dhashay waddanka South Africa ay halistiisa soo bandhigeen, wuxuuna walaac ku abuuray dowlado badan oo dunida ah.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Sabtidii adkeysay shuruucda kahortagga xanuunkan, iyada oo tijaabo caafimaad ka qaadi doonta dadka soogalaya xudduudaheeda, kaddib markii UK laga helay laba kiis.

Kiisaska cusub ayaa sidoo kale Sabtidii laga xaqiijiyay Jarmalka iyo Talyaaniga, iyada oo Belgium, Israel iyo Hong Kong ay sidoo kale ay xaqiijiyeen in xanuunka cusub laga helay dadka safarka ah.

Gudaha Mareykanka, Dr. Anthony Fauci, oo ah khabiirka cudurada faafa ee ugu sareeya dowladda, ayaa sheegay inuusan la yaabi doonin haddii nooca cusub ee COVID-19 ee OMICRON uu horeyba ugu sugnaa Mareykanka.

“Weli ma aynaan arag xanuunkan, laakiin marka uu jiro fayras muujinaya heerkan gudbinta ah, xilli kasta ayuu meel kasta gaari karaa” ayuu Dr. Fauci u sheegay TV-ga NBC.

Waxaa sidoo kale jirta in xanuunkan uu awood u yeesho inuu u adkeysto tallaalka COVID-19. Walaaca laga qabo in mar kale dunidu dib ugu noqoto xayiraadihii kahortagga xanuunkan ayaa isna isa soo taraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey xiisadaha ka taagan Laascaanod iyo Somaliland oo..

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo xiriir Diblumaasiyadeed la yeelaneysa maamulka Somaliland

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay Hadalkii R/W Xamse Barre Weerar culusna ku qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---