Dowlada Kenya oo xiriir Diblumaasiyadeed la yeelaneysa maamulka Somaliland

Dowlada Kenya ayaa la sheegay in ay qorsheeneyso in ay sii xoojiso xiriirka hada kala dhaxeeya maamulka isku magacaabay Somaliland ee doonaya in uu ka madax banaanaado Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dowlada Kenya wado qorshe ay xafiis uga furaneyso caasimada Somaliland ee Hargeysa, si ay u xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Dr Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Cumar Baashe ayaa la sheegay in ay yeesheen wadahadalo hoose ay uga hadlayeen sidii xiriir dhaw u yeelan lahaayeen labada dhinac.

Wargeyska Daily Naiton ayaa qoray in Wasaarada Arimaha dibadda Kenya u igmaay danjire lagu magacaabo Philip Mudia Githiora in xafiis ka furo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

“Xiriir taariikhi ayaa nagala dhaxeeyey Kenya illaa xiligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhexmara” ayuu wargeyska kasoo xigtay Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya.

Maamulka Somaliland ayaa wakiilo ku leh qaar kamid ah Wadamada dariska la ah Soomaaliya, waxa ayna Somaliland dhankeeda dooneysaa in wadamada caalamka qaarkood xafiisyo ka furtaan Hargeysa si loo aqoonsado.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -