Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey xiisadaha ka taagan Laascaanod iyo Somaliland oo..

Xaalad kacsanaan ayaa maalintii afaraad laga ssoo sheegayaa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaasoo bannaannaxyo rabshado wata ay ka  socdeen maalmihii la soo dhaafay.

Booliska Somaliland ayaa rasaas ku ridaya Shacabka careysan ee dibed baxyada dhigaya kuwaasoo xirtay qeybo ka mid ah magaalada iyagoo ku dhawaaqaya ereyo lidi ku ah Maamulka Muuse Biixi sida “Somaliland dooni meyno”, “dhimasho ayaan diyaar u nahay” iyo erayo kale.

Waxaa weli xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo Suuqyada magaalada, waxaana weli shaqeynaya isgaarsiinta iyo qadka internetka inkastoo Somaliland ay ku amartay iney hawada ka saaraan.

Rabshadihii ugu xumaa ayaa xalay ka dhacay Magaalada, iyadoo dhalinyaro careysan oo lulaya calanka Somalia iyo calanka Maamulka Khaatumo State la suray bartamaha magaaladaa, Booliska ayaa markii dambe rasaas ku kala eryey dibed baxayaasha.

Maamulka ayaa ciidamo fara badan oo dheeraad ah soo dhoobay waddooyinka qaar ee Magaalada Laascaanood, kuwaasoo isku dayaya iney demiyaan rabshadaha maalintii shanaad.

Ugu yaraan shan qofood ayey Booliska Somaliland ku dileen Magaalada Laascaanood ka dib markii ay isku dhaceen dibed baxayaal ka careysan dilal qorsheysan oo Magaaladaas ku soo batay mudooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shirkadda dhismaha ee Bulsho oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni saddex waddo midkee ayuu qaadi doonaa, guul-daradii Doorashada kadib ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---