Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Itoobiya oo Weerar Gaadmo ah ku dilay Ciidamo katirsan Milatariga Sudan

Ciidamo katirsan Milatariga dalka Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamo maleeshiyaad ah ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan milatariga Sudan, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa ku warantay in ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen ciidamada Sudan oo ku sugnaa magaalada Al-Fashaga Al-sughra, waxaana labada ciidan dhax maray iska hor imaad.

Inta la xaqiijiyay lix askari oo katirsan ciidamada milatariga Sudan ayaa weerarkaasi ku dhintay halka tiro kalana ku dhaawacmeen, lamana oga weerarkan khasaaraha kasoo gaaray dhinaca ciidamada Itoobiya.

Qoraal ay soo saareen milatariga Sudan ayey ku sheegeen in ciidamo katirsan milatariga Itoobiya iyo maleeshiyaad soo weerareen fariisin ciidankooda jooga, mana bixin tafaasiil dheeraad ah oo weerarkaasi ku saabsan milatariga Sudan.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Sudan ee ku sugan xadka labada dhinac ku muran sanyihiin ayaa dhoor mar halkaasi ku dagaalamay, waxaana labada dal isku heestaan dhul beeraley ah oo leedahay Sudan balse ay heestaan dad Itoobiyaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo gantaalihii ugu badnaa u qeybiyey Magaaloyinka Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

NISA oo xabsiga dhigtay taliyihii laga soo celiyey Kismaayo & dembi yaab leh oo loo heysto

Caydiid Ali

Maraakiibta dagaalka NATO oo qaaday talaabo ka careysiisay Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---