Arday Jaamacadeed oo si arxan daro ah u dilay Shan Xubnood oo katirsan Qoyskiisa (Sawirro)

Dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdo argagax leh oo arday Jaamacadeed ku laayay xubno katirsan Qoyskiisa ay ku jiraan Hooyada iyo Aabihii dhalay, waxaana dilkan gudaha Kenya ka abuuray hadal heyn badan.

Simon Warunge oo 22 jir ah ayaa bir iyo mindi af badan ku dilay shan xubnood oo qoyskiisa katirsan ayna ku jiraan Aabihiis, Hooyadiis iyo wiil kale oo la dhashay, waxaana wiilkan ka bad baaday labo gabdhood oo xiliga dilka dhacayay guriga ka maqnaa.

Ardaygan oo cilmiga IT-ga baranayay ayaa booliiska kahor qirtay dilka uu u geestay waalidkii dhalay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa, waxa uuna ninkan isku dayay in meydadka dadka uu dilay qariyo si aan loo ogaan.

Booliiska ayuu u sheegay Simon in dadka uu laayay dilkooda u adeegsaday bir iyo mindi, waxa uuna ku eedeeyay waalidka dhalay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa in ay necbaayeen mar walbana ay wax ka sheegi jireen isaga.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in ardaygan ku tilmaamay waalidiintiisa kuwa xun oo sheydaan ah aadna u dhib badnaa, waxa uuna u muuqday ardaygan mid ku qanacsanaa dilka qoyskiisa.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay aabaha dhalay wiilkan uu dhawaan ka yimid dalka Mareykanka uuna ahaa kalkaaliye ka shaqeeya isbitaal kuyaala dalkaasi, halka hooyada dhashay iyana aheyd kalkaakiso cilmi nafsiga qaabilsan.

Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaana lasoo taagay ninkan dilka u geestay qoyskiisa iyo gabar kale oo saaxiib la aheyd ninka dilka geestay, waxaana la filayaa in maxkamada kiiskan gacanta ku heysa xukun adag ku rido ardaygan qoyskiisa laayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -