Afar Musharax ay ku jiraan Xasan Sheekh iyo Kheyre oo Caawa kulan yeeshay (Sawirro)

Waxaa caawa magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay afar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ,kuwaa oo shir wadatashi ah isugu yimid kahor inta uusan beri furmin shir ay leeyihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweyne.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxdii hore ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa ah mid looga arinsanayo sida u qabsoomayo shirka beri ka furmaya Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho iyo ajandayaasha shirkaasi looga arinsan doono inta uu socdo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan caawa yimid kadib markii qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ka biyo diideen in Musharax Kheyre beri ka qeyb galo shirka furmaya.

Shirka caawa magaalada Muqdisho ku yeesheen musharaxiintan u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen oo wariyaasha loo diiday in goobjoog ka noqdaan.

Waxa uu kusoo aadayaa shirkan xili beri la filayo in magaalada Muqdisho shir mudo sadex maalin qaadan doona ku yeeshaan Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya kuwaa oo gabo gabada shirkooda go’aano kasoo saari doona.

- Advertisement -