Mid ka mid ah fanaaniintii Soomaaliyed ee caanka ahaa oo geeriyooday

Waxaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Axmedey Abuubakar Al-Camaari oo ka mid ahaa fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii xiligii beri-samaadkii.

Geerida fanaanka waxaa warbaahinta u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa oo sheegay inuu ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu u geeriyooday xanuuno uu mudooyinkan la tacaalayey oo ay wehliyeen duruufo dhinaca nolosha ah, iyadoo fanaanku ahaa nin indho la’aa illaa xiligiisii dhalinyaranimada.

Axmaday Abuubakar ayaa xili hore ka fadhiistay fanka, wuxuuna afar sano ka hor ka soo laabtay dalka Yemen oo uu ku noolaa tan iyo markii ay dalka ka bilowdeen dagaalada sokeeye 1991-kii.

Heesaha caanka ah ee lagu xusuusto Axmedey Abuubakar Al-Camaari ayaa waxaa ka mid ah: Webigii jaceylka, Luul iyo Leyla, Qaahira, Hello iyo qaar kale oo badan, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeynaya bahda fanaaniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -