Midowga Musharaxiinta oo isku khilaafay sida ay u socoto Doorashada Golaha Shacabka

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta isku khilaafsan yihiin hanaanka u muuqda musuq maasuqa ay ku bilaabnatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Shirar ay yeesheen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayey ku kala argti duwanaadeen go’aanada ay ka qaadanayaan doorashada socota iyo talaabooyinka laga maarmaanka ah ay qaadi karaan hadii aan waxba laga bedelin sida doorashada ku socoto.

Qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa ku qanacsan sida musuqa ay ku socoto doorashada kuwaa oo la sheegay in xubno ay wataan loo doortay Xildhibaanimo kuwa kalana ay rajo ka qabaan in la doorto.

Musharaxiinta ku qanacsan doorashada ayaana sheegay in doorashada musuqa ay bilaabatay ay ka roon tahay doorasho la’aan, waxa ayna saaxiibadood u sheegeen in aan la qaadin talaabooyin kale oo dalka halis galin kara.

Musharaxiinta kasoo horjeeda hanaanka ay ku bilaabatay doorashada ayaa dhankoooda qaba in gabi ahaanba qaadacaan sida ay doorashada ku socoto ayna qaadaan talaabooyin ay ku muujinayaan in doorashada kasoo horjeedaan kuna cadaadiyaan dowlada.

Qaar kamid ah Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay qaar kamid ah Xildhibaanada hanaanka musuq maasuqa ah lagu doortay halka kuwa kalana ay ka aamuseen, waxaana hada kala shaki uu soo kala dhax galay Musharaxiinta oo hal wado aan kuwada socon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -