Allbanaadir.com
NEWS

Kursi loo diiday in uu u tartamo Siyaasi Caan ah oo doorashadiisa la hakiyay (Akhriso)

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaalka ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku hakiyeen doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Kursigan doorashadiisa la hakiyay ayaa dhawaan loo diiday in uu tartankiisa isku diiwaan geliyo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari kaa oo markii dambe dacwad ka gudbiyay kursigan.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Heer federaal ayaa lagu sheegay in cabasho laga keenay habraaca loo maray kursiga tirsigiisu yahay HOP103, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas.

Halkan ka Akhriso Qoraalka lagu hakiyay doorashada Kursigan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ka tirsan Puntlnad oo la qarxiyey & sir Madaxweyne oo la kashifay

admin

Qoys Barakac ahaa oo guri ay kireysteen ka helay Hanti Boqortooyo !

Cabdi Cade

Dagaal caawa ka socda degmada Wanle-weyn iyo tuulooyin dab la qabadsiiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---