Allbanaadir.com
NEWS

Qoys Barakac ahaa oo guri ay kireysteen ka helay Hanti Boqortooyo !

Qoys ku noolaa Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxay dagaalka dartiisa u qaxeen caasimadda gobalka Kassala ee Bariga dalkaasi.

Qoyska oo ka koobnaa (Nin iyo Marwadiisa) ayaa waxay Guri kiro ah ka heleen Xaafadda Suuqa Alshacbi oo ku yaalla magaalladda Kassala ee Caasimadda Gobalkaasi.

Lamaanaha oo lagu kala magacaabo Cabaas Fadat iyo Marwadiisa, Cawdiyat Kanuz waxay u hawl galeen inay soo xirtaan tubada biyaha, inkastoo ay ur ka dareemeen biyihii iyo godkii la soo marsiiyey tubada biyaha.

Cabaas & Xaaskiisa  waxay bilaabeen inay Godka uurta ka soo baxaysay ka dhex qodaan gudaha guriga , si ay u baaraan waxa soo urayo.

Markii ay faageen godkii, waxay kala kulmeen wax aysan filaynin, iyagoo awalba la yaabanaa qaxoodii iyo hantidii ay kaga soo carareen gurigii ay ka deganaayeen Khartoum.

Qoyskaasi waxay godkii ay ka dhex qodeen gurigii ay kireysteen ka dhex heleen qabri horey dad loogu aasay, lacag qadaadiic oo mar hore la isticmaali jirey, Dahab iyo qalabka dhaldhalaalka ee ay Haweenka isku qurxiyaan .

Lamaanaha waxay sheegeen inuu Ilaahay ku karaameeyey oo uu siiyey bedelka Gurigii iyo Hantidii ay ku waayeen Dagaalka socda.

Khabiir lagu magacaabo Dr. Maxamed Cawad waxa uu sheegay in Hantida ay Qoyskaasi ka heleen guriga ay kireysteen uu ahaa dhismo uu asal ahaan milkiyadeeda u lahaa mid ka mid ah boqoradii Boqortooyadii Nabata (one of the kings of the Kingdom of Napata).

Taariikh ahaan waxay Boqortooyadaasi deganaayeen gobalka Kassala ee bariga dalka Sudan muddadii u dhexeysay qarniyadii 4-aad iyo 9-aad ee ka hor Taariikhda Miilaadiyada, waa sida uu sheegay Khabiirka.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

 

Related posts

Daawo Video:-Dal-mareenkii ugu waynaa dunida ee Ibnu Batuutah iyo safarkiisa Magaalada Muqdisho !!

admin

Raisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay geerida fanaanadii Khadra Daahir Cige

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergay cusub iyo fulinta ballamihii uu qaaday…

Cabdi Cade