Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudur Nuuc cusub ah oo soo shaac baxay iyo Dowlado waa weyn oo Xanibaad soo rogay

Waxaa soo shaac baxay nuuc cusub oo cudurka Covid-19 kaas oo laga cabsi qabo in mar kale dunida ku faafo, waxaana dowladaha Caalamka qaarkood soo rogeen xayiraado si looga hortago cudurkan cusub.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in nuucan cusub ee Covid-19 in loo bixiyay Omicron , nuucan cusub ayaana ka bedelay cudurka Covid-19 nuucyadii horey dadka ugu dhacay.

Dalal kuyaala Koonfurta Qaarada Afrika ayaana laga helay nuucan cusub ee Omicron, waxaana durba caalamka ka bilowday walaac xoogan ay ka qabaan in nuucan cusub ee Covid-19 usoo talaabo.

Waddamado badan ayaa si deg deg ah xayiraado dhanka safarka ah ugu soo ragay dalalka kuyaala koonfurta Afrika si ay u xakameeyaan nooca cusub ee Omicron ee Covid-19, waxaana wadamada xanibaada socdaalka la saaray ku jira Koonfur Afrika iyo Botoswana.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Somalia oo caawa lagu weeraray Gaalkacyo

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray lix ka mid ah xarumaha dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsato waa weyn oo doonaya in dalka Maalgashi ku sameeyaan oo soo gaaray Muqdishjo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---