Gudoomiye Maxamed Mursal oo mar kale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar kale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka.

Doorasho ka dhacday goordhaw magaalada Baydhabo ayaa sidii la filayay waxaa kusoo baxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo helay 88-cod, waxaana Mursal la tartamayay Musharax lagu tilmaamay Malxiis.

Doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ee dalka ka bilaabatay ayaa u muuqata mid ku socota qaab musuq maasuq ah, waxaana inta badan lasii ogyahay musharaxiinta kusoo baxeysa doorashada maadaama kuraasta loo xiray.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in sidoo kale goordhaw lagu doorto labo Xildhibaan oo kale, waxaana doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ku bilaabatay si ka duwan sidii horey loo filayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -