Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Cabashada Jawaari iyo Cabashooyin kale oo loo gudbiyay

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay soo gaareen cabashooyin badan oo laga soo gudbiyay doorashada Golaha Shacabka ee hada ka bilaabatay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FEIT) Maxamed Xasan Cirro ayaa qiray in cabashooyin badan oo laga keenay hanaanka ay ku socoto doorashada golaha shacabka loo soo gudbiyay gudigooda.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Cirro in cabashooyinka loo soo gudbiyay ay yihiin labo nuuc, waxa uuna xusay in cabashooyinka qaar kasoo gaareen musharaxiin halka tan kalana laga soo gudbiyay in kuraasta qaar doorteen ergo aan sax aheyn.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal, ayaa sidoo kale cadeeyay in guddigooda soo gaartay cabashada kasoo yeertay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari, waxa uuna xusay in ay la kulmi doonaan Jawaari.

“Cabashada Jawaari waa nasoo gaartay waana la kulmeynaa, Goobaha Doorashooyinka waxaa inoo jooga ergooyin, eedeynta ah Dad aan beesha ahayn ayaa Xildhibaanka Doortay waa eedeyn culus, qof weliba oo Ergay ah waxa aan ka buuxinaa xog dhammeystiran oo la xaqiijin karo”  ayuu yiri Gudoomiye Cirro.

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ayaa imaanaya xili kuraas dacwad laga gudbiyay uuna muran ka taagnaa qaarkood la doortay halka kuwa kalana lagu wado in la doorto iyada oo la iska dhaga tirayo dacwada laga soo gudbiyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -