Musharax Madaxweyne oo ka cabsi qaba in Sidii Jawaari loo diido Shahaadada Musharaxnimo

Doorashada Soomaaliya ayaa ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah oo loo wada jeedo, waxaana meesha ka baxday doorashadii horey loo filayay in ay dhacdo ayna noqoto mid lagu tartamo xiiso gaar ahna yeelata.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka cabsi qaba in doorashada Madaxweynaha iyana noqoto mida Xildhibaanada oo kale oo musharaxiinta qaar loo diido in ay qaataan shahaadada musharaxnimo.

”Farmaajo intii uu xilka sharciga ah hayey seddax doorasho ayaa la qabtay, midna laguma tartamin. Tii Aqalka Sare tartan kama dhicin, tiro kooban maahee, Tan haatan billaabateyna tartan kama jiro. Haddaba sideen ku aaminaa in doorashada madaxweynaha lagu tartamayo. Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga tan tartanka madaxweynaha ku helayaa?” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharaxa ayaa sheegay in aysan socon wax doorasho la yiraahdo balse ay socdaan kuraas boob ah lana sii ogyahay cida soo baxeysa, waxa uuna cadeeyay in Ra’isul Wasaaraha uusan waxba ka qaban karin boobka doorashada lagu wado.

”Haddii Raysalwasaarihii masuuliyadda doorashada iyo amniga loo dhiibay uu leeyahay boobka doorashada ee socdaa waxba kama qaban karo. Sideen lagu aaminnaa in aan doorashada madaxtinnimada la boobaynin, ama la isku diidaynin, ama la isku dulminaynin. Mise Farmaajo ayaa dhaqan boobka iska deynaa oo noqonaya Mukulaashii madaxa doolliga ka xajisay?

Waxa uu intaa ku daray ”Falsafada meesha taala waa doorasho natiijadeeda la hubo, ama doorasho la’aan. Cidii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Qaylo dhaan warmo kama tunmaan”

Doorashada hada ka socota Soomaaliya ee ku bilaabatay qaabka musuq maasuqa ah ayaa rajo beel ku riday musharaxiin badan oo han ka lahaa in ay kamid noqdaan Golaha Shacabka iyo kuwa kale oo rajo ka qabay in dalka Madaxweyne ka noqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -