Axmed Madoobe oo Wadahadal la yeeshay James Swan & Xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo xubno ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, Siyaasada iyo abaaraha ka jira dalka, kuwaas oo saamayn ku yeeshay qeybo badan oo dalka Kamid ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixin ka siiyay ergayga Qaramada Midoobay iyo xubnaha la socday xaalada abaareed ee ka jira deegaanada Jubbaland iyo sidii ay Qaramada Midoobay gacan uga geesan laheyd wax u qabashada dadka abaarta saameesay.

Deegaanada maamulka Jubbaland qaarkood ayaa waxaa ku dhuftay abaaro dad iyo duunyo saameeyay, waxaana aad u adag dadka abaarta saameesay qaarkood in ay helaan gargaarkii ay u baahnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -