Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka jawaabtay argagaxisanimo lagu tilmaamay

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin.

Baraha bulshada waxaa qabsaday Muuqaal laga duubay Boebert oo si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

“Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso qarax sida oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah.

Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri “eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.”

Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -