Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in masuul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir isku dhiibay Al Shabaab ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulsada si weyn loogu baahiyay wareysi warbaahinta Al Shabaab ka qaadeen guddoomiye kuxigeenkii hore arrimaha bulshada ee maamulada degmooyinka Xamar Weyne iyo Hodan Abuukar Salaad Maxamuud .

Wareysiga uu bixiyay Abuukar ayuu ku sheegay in uu iskiis uga tagay shaqadii uu u hayay maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna tilmaamay in baaris dheer kaddib usoo baxday in uu ku qanco hab-dhaqanka kooxda Al Shabaab.

Masuulkan horey uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir ayaa markii la baahiyay wareysiga ay ka qaadeen Al Shabaab kaddib, muuqaal cusub uu soo duubay ku sheegay in Muqdisho laga afduubtay sannado kahor lana geeyay deegaan Al Shabaab maamulaan.

Waxa uu sheegay ninkan in lagu qasbay wareysiga ay ka qaadeen Al Shabaab sidaasna ku bixiyay isaga oo naftiisa u baqay, waxa uuna xusay in Al Shabaab markii ay soo daayeen kaddib u baxsaday dalka South Sudan uu muddo joogay.

Abuukar ayaa sheegay in Muqdisho dib ugu soo laabtay kaddib markii aabhiis lasoo darseen xaalado caafimaad darro, waxa uuna xusay in Al Shabaab ka diiday in uu la shaqeeyo sidaasna xalay ku baahiyeen wareysiga ay qasabka uga qaadeen si kaarsiisa u gubaan.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmooyinka Xamar Weyne iyo Hodan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu tago xafiiska kasta oo dowladda uuna siin doono faah faahinta sida uu u dhacay afduubka iyo dhibka loo geestay.

Laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin kiiskan hada heynta badan ka abuuray baraha bulshada, waxaana arrintan imaaneysaa xilli masuuliyiin katirsan maamulka degmada Hodan u xiran yihiin in ay la shaqeeyaan Al Shabaab darteed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Akhriso) Dowlad goboleedyada oo War ka soo saaray xalinta khilaafka kala dhexeeya dowladda

Caydiid Ali

Banaan bax lagu taageerayay Farmaajo laguna diidanaa Axmed Madoobe oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---