Koonfur galbeed oo shaacisay qabashada 3 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa shaaciyay qabashada Saddex kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#182 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, HOP#170 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo.

Saddexda kursi ayaa qeyb ka ah doorashada 11 kursi oo dhowaan Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay iney qabaneyso

Maamulka Koonfur Galbeed oo noqonaya Maamulka labaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka waxaana ka imaaneysa cabasho xoogan, iyada oo loo diiday inuu doorashada u tartamo Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari, taasoo noqotay arrin dad badan dhakafaar ku noqotay.

- Advertisement -