Saif al-Islam Gaddafi oo loo diiday in uu u tartamo xilka Madaxweynaha dalka Liibiya

Waxaa lagu wadaa bisha soo socota ee December in dalka Liibiya ka bilaabato doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, waxaana doorashada ku tartamaya Musharaxiin badan ay ku jiraan kuwa miisaan leh.

Saif al-Islam Gaddafi oo ah wiil uu dhalay Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya ayaa kamid ahaa musharaxiinta miisaanka culus leh ee isku soo taagay doorashada Madaxtinimo ee dalka Liibiya.

Musharaxan oo laga cabsaday saameyntiisa ayaa laga saaray ka qeyb galka tartanka doorashada, waxaana talaabada looga reebay doorashada abuurtay shaki ku aadan in doorashada aysan aheyn mid daah furan.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Qadaafi uu lumiyay xaqa ka qeybgalka doorashada, maadaama lagu helay dambi, waxaana maxkamad ku taal Tripoli ay ku xukuntay dil isaga oo maqan sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu helay dambiyo dagaal oo uu galay intii uu socday kacdoonkii looga soo horjeeday aabihiis Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Musharax Saif al-Islam Gaddafi ayaa ka biyo diiday eedeymaha loo soo jeediyay, waxa uuna sheegay go’aankan looga reebayo doorashada ay tahay mid sharci daro ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed.

Guddiga doorashada dalka Liibiya ayaa sidoo kale laga yaabaa in doorashada ka reebaan  Hogaamiyaha milatari ee lagu magacaabo Khalifa Haftar, oo heesta dhalashada dalka Mareykanka, waxaa sidoo kake hogaamiyahn lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Doorashada Madaxtinimo ee dalka Liibiya ayaa ah mid si weyn looga dhursugayo, waxaana doorashada la filayaa in ay ka qeyb galaan musharaxiinta ugu dambeeya ee ka gudbaya shuruudaha ka qeyb galka doorashada iyadoona lakala reebayo musharaxiinta badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -