Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo labo arrin ka dalbaday DF ka dib qabashadii Ceelbuur & degaano kale

Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyey howlgalka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanku kula wareegeen degaano ka tirsan Galmudug oo ay ku jirto degmada Ceelbuur.

Khayre ayaa ayaa u mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatay howlgaladan, isagoo dowlada Somalia ka codsaday talaabooyin lagu soo celinayo adeegyada bulshadii ee degaanadii la xoreeyey.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KOOBAN OO UU SOO SAARAY RAISUL WASAARIHII HORE

Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga hambalyeynayaa guulaha wax ku oolka ah ee laga soo hooyay howl-gallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa howl-galladii ugu dambeeyey ee degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ugu dambeysay degmada Ceelbuur looga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee xilliga dheer horumarka ka hor taagneyd dadka iyo deegaanka.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay howl-gallada oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka ee loo carbiyay ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, saaxiibada Soomaaliya la garab taagan taageerada buuxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan xasuusinayaa dowladda labadeeda heer muhiimadda ay leedahay in xoogga la saaro gaarsiinta adeegyada dowladeed, xasilinta iyo horumrinta deegaannada laga saaray Khawaarijta, waxaana mar kale ku baaqayaa in loo midoobo dagaalka dib-u-xoreynta ee Khawaarijta lagu cirib tirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo War kasoo saartay Kulankii dhax maray Farmaajo iyo Abiy Axmed

Cabdi Cade

Eey soo bad baadiyay wiil yar oo Hooyadiis nolol ku aastay !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daadad xoog leh oo dad ku dhow Konton qof ku dilay dal ka tirsan Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---